Dhegayso warbixin ku saansan Shirar is diidan oo lagu kala abaabulayo Garbahaarey iyo Kismaayo

0
31

ftrKaddib markii ay maalmihii lasoo dhaafay wufuud meelo kala duwan ka kala yimid ay kusoo qul-qulayeen xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey, ayaa waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in laga yaabo in maalmaha foodda nagu soo hayo albaabada la’isugu dhufan doono shirka ka socda Garbahaarey, qaar ka mid ah ergooyinka halkaas ku sugana loo qaadi doono Kismaayo si ay uga qeyb qaataan shirka dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka ee ay gogoshiisa halkaas ka fidsan tahay.

Laabidda gogosha ka fidsan Garabahaarey, iyo ka qeyb qaadashada shirka Kismaayo ee qaar ka mid ah ergooyinka Garbahaarey ku sugan ayaa imaaneysa xili ay dhawaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jubba ku hanjabeen in ay talaabo cad ka qaadi doonaan shirka ka socda Garbahaarey oo ay ku sheegeen in uu yahay mid sharci daro ah oo la rabo in lagu dhabar jabiyo shirka ka socda Kismaayo, iyo wadahadal dhanka diblo maasiyadda ah oo ay dhawaan yeesheen Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, mudane Cabdiweli Sh. Axmed, madaxda sare ee IGAD iyo waliba qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jubba.

Warar kale oo iyana lagu kalsoonaan karo oo maanta nasoo gaaray ayaa sheegaya, in mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka KMG ah ee Jubba, General Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag, Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil iyo Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga maaamulka Jubba,

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) oo doonayay in ay maanta usoo safraan magaalada Garbahaarey si ay usoo xiraan shirka Garbahaarey ka socda, in uu lasoo xariiray Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, kana codsaday in ay safarkooda baajiyaan, asaga oo dhanka kalena u balan qaaay in uu la hadli doono ergooyinka ku sugan Garbahaarey si ay soo xiraan shirka, isla markaana kasoo qeyb galaan shirweynaha dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka ee ka socda Kismaayo.

Dhinaca kale magaalada Garbahaarey waxaa doraad ka degay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka K/Galbeed ee Lixfa Gobol maxamuud Sayid Aden iyo Xubno ka tirsan Golahiisa wasiirada oo ka soo kicitimay Magaalada Baydhabo.

Maxamuud Sayid oo la hadley Saxaafada ayaa ujeedada socdaalkooda waxuu ku micneeyey ka qeyb galka shirka ka furmi doona magaalada Garbahaarey maalmaha soo socda ,waxaana maanta lagu wadaa Garbahaarey in ay gaaraan xubno xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Halkan ka dhegayso Warbixinta

Shirar_is_diidan_oo_si_xowli_ah_uga_kala_soconaya_degmooyinka_Garbahaarey_iyo_Kismaayo,Maxamuud_Sayid_Aden_oo_ku_biirey_Shirka_Garbahaarey

Ku dhegayso Moobilkaaga