Alshabab oo Maanta Weerarey Xabsiga Loo Yaqaan Godka JIlicow ee Ku Yaala Magalada Muqdisho

0
41

xabsiDagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa barqadii maanta weerar ku qaaday xabsi si aad ah loo sugo amnigiisa oo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyagoo isku dayayay inay xoog ku sii daayaan xubno ka tirsan kooxdooda oo ku xiran halkaas.

Xabsiga la weeraray oo lagu magacaabo Godka Jilacow ayaa ah xabsi hay’adda nabad-sugidda muqdisho ay su’aalo ku weydiiso dadka looga shakiyo inay xubno ka yihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana la rumeysan yahay inay halkaas ku xiran yihiin xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda.

Qarax gaari ayaa ka dhacay afaafka hore ee dhismaha, waxaana xigtay is-rasaaseyn xooggan oo ay ku dhimatay toddobo ka tirsan dableydii weerarka ka dambeysay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab oo la hadlay telefishinka Al Jazeera ayaa sheegay in dagaalyahannadooda ay ku lug lahaayeen weerarka, ayna gudaha u galeen dhismaha.

 

Daafeet.Com