War Deg Deg Ah:- Col Bare Hiiraale oo Goor Dhaweyd Gaarey Magalada Muqdisho

2
33

breaking nWarar kol dhow aynu ka helney magalada muqdisho ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminaayo Col.Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyagoo ka soo kicitamay magaalada Kismaayo.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa mas’uuliyiintaan si aad ah loogu soo dhaweeyay,waxaana soo dhaweyntooda ka qeyb qaatay labada Gola ee Dowlada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Lama sababta rasmiga ee Muqdisho u soo gaaray Barre Hiiraale,laakiin arintaan ayaa qeyb ka ah dadaaladu ay wado xukuumada Soomaaliya oo ku aadan in lagu heshiisiiyo Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo maamulka isku khilaafsan.

 
Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. waxay ku heshiinayaan haba yaraatee ma’ay jirto waayo qolada iskudayayso inay heshiisiso waa DAMU-JADIID ‘ damu jadiidna waxaa uu yahay iyo ujeedadiisa waa la og yahay ilaahay wuxuu yiri ان ر بك لبرمرصاد dadka u malaynayo inay ay heshiinayaan heshiis kama soo dhow waayo labada qof ee isku haysta meeshaas labadoodaba waa laba mujrim ah ilaahayna mujrim kheyr aduunyo iyo aakhiro midna kuma waafajinayo.

  2. Wa gardaro garab Ogoh ASWT ayase ka sareyo ,kuwa anaga shirqoolaka no malegayo dhibkenana ka talinayo sad bursigana wado Insha Allah ma libanayaan. DM wuxuu noqdey Didiin habardugago dhan haweysato ad the end didinki ayaa guleyste, anaga insha allah DM ayeey gusha ku dambeysa.

Comments are closed.