Dhagayso: Dagaal u Dhaxeeya Dad Shacab ah iyo Alshabab oo ka Bilowday Deegaano ka Tirsan Gobolka Baay

1
229

imagesDagaalkan u dhexeeya Dadka Deegaanka iyo Shabaab wuxuu Bilowdey ka dib markii Shabaab ku soo rogeen Dadka Deegaanka  iney Bixiyaan Lacago lagu SHeegey in lagu Taageerayo Maleeshiyaadka Shabaab. Dagaalkii ugu danbeeyay wuxuu ka dhacay Tuulada Toosweyn oo Shabaabka loogu dilay Sarkaal weyn . Shabaabku markii loogu itaal roonaadey Dagaalkii Toosweyne ayaa waxay  go`aansadeen in Toosweyne gebi ahaanba ay ka dhigaan meel baaba` ah oo Guryaha ay gubaan waxaana Dagaalkii ugu xumaa ay soo qaadeen shalay ayagoo ku hubeynsan Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaasi oo jilbaha la isku laabey ayaa waxaa dadkii shacabka magaaladaasi oo dhamaantood ah difaac loogu diley 8 ruux rag iyo dumar isugu jira iyo labo askari wallow shabaabkuna ay halkaasi kaga carareen meydadka 17 ruux. Halkan Hoose ka dhagayso Oday ka tirsan dadka Degmadaas lagu magacaabo Nasrudiin Ibraahim Aadan  oo laga waraystay Dagaalkan.

1 COMMENT

  1. halka dad ayaa la dagalamay al shabaab loga
    dhaxayo ma ka ficneno in la yirahdo ciidamada dowlada k/ galbeed wayo dadka aad shegeysaan soo ma ahan reer k/ galbeed
    horay ayaa loo yiri neef dubkisa ku fadhiyo lama kicin karo ee hor u kaciina idinkaa hor jogee iska hor kaca oo cadowga hala mid noqonina wabsed yadiina rer a

Comments are closed.