Dagaal fool ka fool ah oo galabta ka dhacay deegaanka Bandar degmada Qoryooleey

0
49

amisomDagaal fool ka fool ah ayaa waxa galabta casir gaabadkii waqtiga bariga Afrika ku dhexmaray deegaan Bandar oo laba kilomitir oo kaliya u jirta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose ciidamada midowga Afrika ee AMISOM iyo Dagaal yahanada xarakada Shabaab.

Dagaalkan ayaa waxa uu bilowday ka dib kolkii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku ekaysiiyeen sahan ka socday ciidamada reer Afrika ee AMISOM oo dibada uga soo baxay degmada Qoryooleey una soo dhowaaday deegaanka Bandar.

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa hadana waxay wararka qaar ay sheegayaan in ciidamadii sahanka ahaa ee AMISOM aanay cidi Qoryooley kaga soo noqon iyadoo sidoo kalena fadhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin gudaha magaalada laga tuurayo madaafiic iyo hoobiyaal kuwaasi oo loo qaybinaayo tuulooyin dhowr ah oo magaalada ku teedsan.

Tuulooyinka caawa ay ciidamada AMISOM duqeeyeen ayaa waxaa ka mid ah Bandar,Xero labaad,Farxaan,CabdiAli iyo kuwo kale oo intuba ay gacanta ku hayaan xarakada Shabaab.

Dagaalka galabta dhacay iyo Madaafiicda caawa lala dhacay tuulooyinka ayaa haba yaraatee ka qaybqaadan ciidamo beeleedka Hawiye oo iyaga gobolka ku jooga magaca ciidamada Qalabkasida.

 

Daaafeet.Com