Urur Galbeedka Igad, Qaramada Midoobey iyo Yurub oo soo Saarey Bayaan

1
34

Nicholas_Kay_UN_EnvoyUrur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay waxay ku celinayaan cambaareynta xoogan oo ay u jeedinayaan weerarkii Alshabaab ku qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 24-kii May.
Waxaan bogaadineynaa fal celinta ay sameeyeen xoogaga ammaanka Soomaaliya iyo AMISOM. Waxaan tacsi u direynaa qoysaska dadkii ku wax yeeloobay. Waxaa nagasii go’an in aan dadka Soomaaliyeed ku taageerno sidii ay uga gudbi lahaayeen tobaneeyo sanadood oo colaad iyo ammaan darro ah ayadoo la tix raacaayo waajibaadka na saaran.

Weerarkaan wuxuu ka markhaati kacayaa baahida loo qabo in aan sii laba jibbaarno dhammaan dadaalladeena ku aadan dhismaha nabadda iyo dalka Soomaaliya.

Annaga iyo dadka Soomaaliyeed waxaan ka mideysannahay taageerada horumarka, nabadda iyo xasilloonida ayadoo aan laga bexeynin xeyndaabka Dastuurka Federaalka ee Qabyada ah ee Soomaaliya. Xasillooni la’aanta siyaasadeed ee hadda socota wax dan ah uguma jiraan Soomaaliya iyo dadkeedaba. Soomaaliya ma xamili karto in ay dib ugu noqoto raadkii hore ee is-mariwaagii iyo is-qabqabsigii u dhexeeyey siyaasiyiinta taas oo cuuryaamisay dowladihii (dalka soo maray) lagasoo billaabo sanadkii 2000.

Horumarinta nidaamka federaalka, hannaanka dib u eegista dastuurka iyo isku diyaarinta doorashooyin dhaca 2016-ka ayaa dib uga dhacay jadwalka howlaha. Dastuurku wuxuu cadeynayaa dowr kala cad cad iyo howlo looga baahanyahay dhammaan Hay’adaha Federaalka, oo ay kamid yihiin Baarlamaanka, Hay’adda Fulinta iyo Xafiiska Madaxweynaha. Soomaaliya waxay u baahantahay horay u socosho iyo xasillooni. Laakiin waxaa kale oo ay dhammaan uga baahantahay wax qabad ballaaran oo si dhakhso ah loo qabto.

Hay’adaha Federaalka waa in ay u wada shaqeeyaan si aan leexleexad lahayn oo waafaqsan mas’uuliyadohooda ku cad Dastuurka. Waxaan soo dhoweyneynaa ballan qaadkii Madaxweynaha ee dib u habaynta kadib weerarkii Baarlamaanka. Waxaan ugu baaqeynaa Hay’adda Fulinta, ee uu hor kacayo Ra’iisul Wasaaraha, in ay qaado tallaabo dhiiranaan leh oo waqtigeeda ku haboon si loo gaaro midnimo qaran oo buuxda, loona horumariyo ammaanka iyo in la dedejiyo tallaabooyinka loo qaadayo xaga federaalka, dastuurka iyo doorashooyinka. Jaallayaasha caalamka waxay diyaar u yihiin in ay taageeraan talaabooyin kasta oo kor loogu qaadayo dhismaha nabadda iyo dalka Soonmaaliya iyo in lala xisaabtamo cid kasta oo caqabad ku noqota hore u socodka.”

 

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Beenaa la yaal Dhibka iyo mashaqada soomaaliya ka Taagan badankeeda kuwan ayaa wado si danohoda gaarka ah ay u sii socdo wax walbana iyagaa ka Danbeya xaaraantaan oo u weyn yahay kufaarka nokaleys key

Comments are closed.