Dhegayso..Qoysas Buurdhuubo kasoo qaxay oo gaarey degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

0
192

ceelwaaq120 qoys oo kasoo barakacay dagaallada iyo deganaansho la,aanta ka taagan degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa degay xeryaha ay ku jiraan dadka Barakacayaasha ah ee ku yaala duleedka degmada Ceelwaaq,iyadoo dhibaatada ugu daran ee ay ka cabanayaan Qoysaskaasi ayaa xilligan waxaa ugu weyn Cuno la,aan,Hoy la,aan Biyo la,aan iyo adeega Caafimaad ee xeryahaasi oo aad u liita.

Qoysaska soo barakacay oo u badan haween, carruur iyo dad waayeel ah ayaa kasoo qaxay guryahoodii oo ku yiil degmada Buurdhuubo,iyagoo ceelwaaqna u socdey mudo 25 maalin ah,waxayna  safarkoodana u isticmaalayeen gaari dameero.

Aaden Maxamed oo ka mid ah Qoysaska ka soo barakacaya degmada Buurdhuubo oo u waramayey Radiyaha Wadajir ayaa sheegay sababta ay ugu soo barakaceen guryahooda in ay la xariirto Cabsida dagaalada iyo deganaansho la,aanta ka jirta degmadaasi,isagoona sheegayna dhibaatooyinkaasi dadka deegaanka in ay u sii dheer tahay wadooyinkii oo ku xirmey colaadaha .

Halkan ka dhegayso warbixinta oo tifatiranQoysas Buurdhuubo kasoo qaxay oo gaarey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,wada