Madaxweynaha dowlada federalka oo magaalada muqdisho dib ugu soo laabtey

0
29

XASAN SHIIKHMadaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii hore ee maanta dib ugu soo laabtey magalada muqdisho isagoo labadi maalmood ee lasoo dhaafey ku sugnaa magalada baydhabao.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda iyo odey dhaqameedyada koonfur galbeed somaliya waxaana uu u sheegey in wax waliba ey ku dhamaan doonaan rabitaanka shacab.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cade Xubno ka tirsan Dowladda Sooomaaliya.
Daafeet.Com