Hotelka Kuwait Plaza ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta kulan ku yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia oo ka soo kala jeeda gobolada Sh/hoose, Bay, Bakool, Gedo iyo labada Jubba.
Xildhibaanadan ayaa taageersan shirweynaha lagu dhisayo maamulka koonfur galbeed Somalia ee ka socda magaalada Baydhabo, iyagoo taageersan in maamulkaas laga dhigo lix gobol.
Kulankan ayaa xildhibaanada ka qeyb galay waxaa ka mid ah xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa, xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor, xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe iyo qaar kale, waxayna sheegeen in shirka lixda gobol maamul goboleedka loogu sameynayo ay taageertay dowlada ayna taas u hayaan cadeymo buuxda iyagoo soo bandhigay qoraal ku saabsan arintaas oo ka soo baxay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed.
War-saxaafadeedka ay soo saareen ayaa u qornaa sidatan:
Beryahaan danbe hadal-heynta saxaafadda waxaa aad ugu badnaa shirka Maamul udhisidda Gobolada K/Galbeed soomaaliya ee ka socda magaalada Baydhabo.
Muwaadinka soomaaliyee wuxuu xaq u leeyahay in uu helo Macluumaad sax ah ku dhisan runta kanna maran siyaasadeen iyo fasiraad looga dan leeyahay in la marin habaabiyo shacabka soomaaliyeed.
Ujeedada Shirka
In la dhiso Dowlad Goboleed ay yeeshaan Gobolada K/Galbeed Soomaaliya oo kala ah: [ Bay,Bakool,Gedo,Shabeelada Hoose,jubada Hoose & Jubada Dhexe] si loo hergeliyo ku dhaqanka nidaamka federaalka uu nafarayo Dustuurka ku meel gaarka ah, bulshada ku dhaqan deegaanadaasina ay u helaan nabad iyo adeegyada asaasiga ah ay bulsho kastaba ka maarmin.
Kaalinta Dowladda ay ka qaadatey Shirka:
Shirku wuxuu ku furmey ogaal & taageero siyaasadeed & Dhaqaale laga heley Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa fasaxay in Gogashiisa wada tashi looga arinsanayo dhismaha Dowlad Goboleed ay yeeshaan lixda Gobol K/Galbeed la furo Madaxda sare ee Dowladda ugu saareeysa ugu horeeyo Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxmuud & wasiirkii Hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mudane Cabdul-kariim Xusein Guuleed.
Kadib marka ay beelaha deegaan wadaagta ahaa ay dhameysteyn wadatashiyadii u socdey kuna heshiiyeen dhismaha Dowlada Goboleedka waxaa si rasmi ah Shirka u furey Mudane Mohomed Sheikh Osman Jawaarey Guddoomiyaha BFS ahaana xiligaa kusimaha Madaxweynaha JFS . Guddoomiyaha BFS wuxuu xiligaa sheegey in shirka uu qaadey haltalaabo oo ka mid ah kun talaabo, caqabado badan siyaasad,dhaqaale & kuwo noockastaba lehay jiri doonaan , loona baahan yahay adkeysi si shirka looga mira dheliyo.
Hogaamiyaasha shirka waa odayaashii dhaqanka oo soo dhisey Dowlada Federaalka Somalia kuna dhaartey hergelinta federaalka uu farayo dustuurka, waxaana howshaasi ku weheliya siyaasiyiin hore iyo kuwo hadda ku jira dowladda sidoo kale Qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshada Rayidka.
Waxaa runtii wax laga xumaado ah in AMISOM oo waajibkoodi yahay in amniga muwaadiniinta sugaan dhiirana geliyaan hanaanka federaaliismka & Dimoqraadiyada ku salaysan habka wadatashiga dhameystiran ee deegaan wadaagta si loo gaaro Isfahan iyo maamulo loo dhan yahay wada dhisa DFS;ay is hortaagaan shirka kana reebaan dadka in ay wada tashadaan, waxaa ka sii fool xun in afhayeenka AMISOM ku sheego wareysigii uu siiyey VOA in arintaa dowladda amartey, taasoo xadgudub ku ah dustuurka iyo xuquuqul insaanka.
Xukuumada federalka Somalia horey waxay u dhistey unna taageereen maamulo lagu dhisey si khilaafsan dustuurka, lagunna raaligelinayo shaqsiyaad & dowlado iyo jihooyin danno gaar ah leh.
Iyadoo laga duulayo dhamaan arimaha la soo xusey waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada hoos ku xusan arimaha soo socda:
Xukuumada federalka Somalia in ay ka fogaadaan wax kastoo loo arki karo caburin, kunna dedaasho mideynta shacabka soomaaliyeed kanna fogaato wax kastoo kalgeyn kara shacabka.
AMISOM haku ekaato howsha loo egmadey, hanna ka fogaato in dhinac ay la safato.
UNka waxaan ugu baaqeynaa in si dhab ah ugu kuurgalo shirka ka socdo baydhabo, kana caawiyo wixii farsamo iyo dhaqaale ah.
Dhamaan Ururada AU, IGAD,EU,Arab league, OIC & dhamaan daneeyayaasha kala duwan waxaan ugu baaqeynaa wakiilo in ay u dirsadaan dhabta soo ogaado kana soo warbixiya.
Ugu danbeytii Hogaamiyabasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku Howlan dhismaha 6da Gobo lee K/Galbee waxaan ugu baaqeynaa in ay ka ilaaliyaan shirka wax kastoo dadka soomaaliyeed kala-geyn kara, wada tashiganna hala xoojiyo ilaa.
Wabilaahi AL-Towfiiq
Halkan ka dhegayso Warsaxaafadeedka oo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe inoo akhriya.Unknown Album








scw dadka kushirsan beydhabo oo raba 6gobol waa iney ku adkeystan 6dooda gobol oo xaqa kudhisan iyo waxaa ugu muhimsan waqtigan xaadirka iney helaan ciidan daacad uah oo kabadbaadiya faragelinta
rabitaanka dadka deggen 6da gobol cid horstaagi karto ma jirto ee waxa loobaahanyahay in layska qabto dabadhifka caadaqaatayaalka naga dhashay hala isku raaco adkeysi iyo rabitaan xaq ah dowlad dadka u daneyneyso ma jirto Koonfur galbeet ha guuleysato hana hanaqaado Insha Allah
masha allah waa soo daaheen mooyee waad dadaasheen
waxaan aad ugu faraxsanahay dadalka loogu jiro dhismaha maamul usamaynta koonfur galbeed oo tiirka somaaliya kanaxoow nafta waa
gormee ayaa udanbaysay in lamaamulo dadyowga ku abtirsada koonfurgalbeed oo imanka umuuqda shacab gacmaha isku dhagan
una midoobay cadawgooda
waxaan leeyahay GUUL GUUL Hanoolaadaano GUUD AHAAN HOGAANKA KOONFUR GALBEED
scw salaan kadib aad iyo aad ayaan u amaanayaa xildhibaanada iyo siyaa,siyiinta koofur galbeed, waxaana kula talinayaa mar kasta inay sidaan isugu duubnadaan ugana dhii dhiyaan siyaasada guracan ee danaha gaarka ah laga leeyahay oo magaca DFS loogu soo gabanayo.
dam jadiid waxaan leenahay haku hugoobina maamulka koofur galbeed waa ladhisayaa hadii ala idmo ishaa alaan,shacabka ku abtirsada lixda gobol koonfur galbeed iyo waxgarad kooda iyo siyaa siyiintooda waxbay fahmeen ee ogaada walee shaley maanta ma aha, taasi ogow
kanaxow jab kufaraxow noolow.
wabilaahi towfiiq
waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay marka hore habsami u socodka shirka k/galbeed ee dawlad looga sameynaayo aaaaaaaaaaaaaaaaaah waa la daahay laakin amarka ilaahay unbaa soconaayo ee lix wax ka yar nama deeqaan ee ogaada wax walba ilaahay ayaa na siiyey dhaha alxamdulilaahi beri bad biyo beer maashaa alah.
Comments are closed.