In kabadan toban qof oo ku dhimatay qaraxyadii hoteel Jazeera

0
25

Warar dheeri ah oo kasoo baxaya qaraxyo xalay ka dhacay afka hore ee hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay gaartay ugu yaraan 10 qof.

Gen. Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid, taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed oo xalay u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in qaraxyada ay ku dhinteen afar ruux, toddobo kalena ay ku dhaawacmeen. Balse wararka imika aan heleyno ayaa kaasi ka duwan.

Qaar kamid ah shaqaalaha gaadiidka gurmadka deg-degga ee gaarka loo leeyahay oo u warramay daafeet.com ayaa sheegay in ugu yaraan ay qaraxyada ku dhinteen 10 qof, 17 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyadan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu sheegay in sanadkan 2014 la qalabayn doono ciidamada qalabka sida, lana ballaarin doono howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Wariye Cumar Xasan Khayre
Wariyaha daafeet.com ee Muqdisho