Wakiilka Qaramada Midoobey u fadhiya somaliya Nicholas Key oo ka hadley arimaha somaliya

0
30

Nicholas_Kay_UN_EnvoySarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay hab siyaasadeed horumarsan, meletari si wax looga qabto arimaha amaanka dalka Soomaaliya, kadib warbixin uu siiyay golaha amaanka ee magaalada Muqdisho.

Nicholas Kay, oo muuqaal kaga qeyb galay shirka golaha amaanka ayaa sheegay in hayadaha dowlada Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay ay ku abuureen kalsooni dheeraad ah, taasi oo uu sheegay inay aheyn kuwo qaldan.

Wuxuu sheegay in go’aankii baarlamaanka ay qaateen 2 December ayna xilka kalsoonida kala laabteen xukuumadii Saacid, taasi oo ka dhigneyd tijaabada baarlamaanka iyo in la helo iyaga oo xoog leh.

Muhiimada ayuu sheegay in iminka ay tahay in la hergiliyo dowlada cusub, taasi oo isku keenta Soomaali una abuurta waxay u baahan yihiin, sida horumarinta amaanka, shaqada iyo adeegyada dadweynaha, ayuu yiri Mr Kay.

 

Daafeet.Com