Dhegayso..Xildhibaanad Sareedo oo ka digtay Khatarta Shariif Sakiin iyo kooxdiisa.

2
48

saredoXildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka fedraalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan Baydhabo ayaa waxay ka digtay koox ay sheegtay inay magaalada Baydhabo u yimaadeen inay carqaladeeyaan masiirka Qawmiyada Digil iyo Mirifle ee ku aadan dhamaystirka Maamul goboleedka KoonfurGalbeed ee ku midaysan gobolada Lixda ah ee Shabeelaha hoose,Baay,Gedo,Bakool,Jubada dhexe iyo Jubada hoose.

Xildhibaanad Sareedo ayaa si gaar ah waxay shacabka KoonfurGalbeed ugu ifisay isla markaana weydiisatay inay iska dhiciyaan kooxdan yar ee caadaysatay inay shacabka iyo dhulkooduba gadaan.

“Kooxdan waxay ku taamayaan inay isku diraan dadka walaalaha ah si ay u gaaraan danahooda waxayna wataan fikir fulintiisa loo soo kiraystay oo ah in sedex gobol kaliya maamul loogu dhawaaqo”ayay tiri Xildhibaanad Sareedo iyadoo sidoo kalena uu hadalkeeda aad uga muuqday inay ula jeeday Shariif Sakiin walow ay magac dhabin.

 

Halkan ka dhegaysoUnknown Album

Ku dhegayso Mobilkaaga

2 COMMENTS

  1. raxaweyn masakin hadey xabad dhacdo idainka wax idinka xun malahan 6 gobol ba uskulena mamulaa in dhisaane riyo iyo dhuuso

Comments are closed.