Xildhibaanada baarlamaanka oo maanta bilaabey iney ka doodaan mooshinkii laga keeney Reysulwasaare Saacid

0
25

barlamanka-cusubXildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta billaabaya doodad mooshinka ka dhanka ah xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) kaasoo ah mid lagu doonayo in kalsoonida loogala laabto.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ah kuwo aad ugu fikir duwan mooshinka iyadoo ay jiraan xildhibaanno kasoo horjeeda, kuwaasoo sheegay in xubnaha saxiixay mooshinka aysan qaarkood gudaha dalka joogin, taasna ay tahya mid ka horimaanaysa sharciga.

Sidoo kale, xildhibaannada mooshinka keenay ayaa sheegay in xukuumaddu markii ay ku fashilantay inay wax ka qabto howlihii loo doortay ay sababtay inay mooshinkan ka keenaan baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cimaan Jawaari oo ka hadlayay kulankii shalay ayaa xildhibaannada ka dalbadya in mooshinkan ay ku dhameeyaan si Alle ka cabsi leh.

 
Daafeet.Com