Wasiirada arimaha dibada dalka somaliya Fosiyo Yusuf Xaaji oo maanta dalka dib ugu soo laabatey

0
45

fowsiyoWasiirka Arrimaha dibada Ahna Ra’isal wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dalka dib ugu laabatay ayaa warbaahinta kula hadashay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyadoona ka warbixisay shirki ay kaga qeyb gashay Magaalada Brussles ee dalka Belgium.

Foosiyo ayaa waxay sheegtay in shirkaasi ay ka soo qeyb galeen wadamada deeqaha bixiya ee Midowga Yurub iyadoona intaasi ku dartay in shirka looga hadlaayay arrimo ay ka mid yihiin gargaarka Soomaaaliya la siiyo, iyo dhowrista xuquuqul insaanka.

Wasiirada Arrimaha dibada Foosiyo Yuusuf aya waxay sheegtay in madaxda wadamada yurub ay kala hadashay lacagihii soomaaliya looga balan qaaday shirkii Brussles, taa oo ay sheegtay in ilaa iyo hada aysan jirin wax ka soo gaara dhaqaalahaasi Dowlada Soomaaliya loona baahan yahay in dabagal lagu sameeyo lacagahaasi.

 

 

Daafeeet.Com