Dhegeyso: warbixin ku saabsan weerarkii Alshabab loo geystey ee ka dhacay Degmada Baraawe

0
153

baraweWeerar ay geysteen ciidamo ajnebi ah oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan, ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA u sheegay in ciidamada duulaanka soo qaaday ay magaalada kasoo weerareen dhinaca badda iyaga oo watey doomaha dheereeya iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Inkastoo aan weerarkaas faahfaahin dheeri ah weli laga hayn, waxaa hadana goobjoogeyaal degmadaas ku sugni ay mar kale idaacadda VOA u sheegeen in dagaalka saaka aroortii dhacay uu hal qof ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay.

 

Werarkii Baraawe

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

Weerrakii Baraawe

 

Daafeet.Com