Wasiirada arimaha dibada ee dalka soomaliya oo shaley gelilnkii dambe booqasho ku timid dalka canada

0
24

Fowzia1Wasiiradda arrimaha dibadda  ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa si weyn shaley gelinkii dambe  loogu soo dhaweeyay magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Wafdiga wasiiradda ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Yussur Abraar iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya,

Booqashada wasiiraddu ay ku tagtay dalka Canada ayaa waxay qaadanysaa saddex maalmood, iyadoo lagu wado inay maanta oo Talaado ah ay kulan la qaadato wasiirka arrimaha dibadda Canada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Toronto iyo Ottawa.

Fowziyo ayaa waxay noqonaysaa mas’uulkii ugu darrajada sarreeyay oo ka socda dowladda Soomaaliya oo gaara dalka Canada tan iyo markii uu dalku ka baxay xilligii KMG ahaa sannadkii hore.
Daafeet.Com