Xogta Dhabta Ah:-Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku been abuurtay Dadkiisa iyo Dalkiisa.

6
55

CiidanWasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo Baarlamaanka Soomaaliya Su’aalo ka weydiiyeen Isbaarooyinka tira dhaafka noqday ee daadsan gudaha gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan goobaha ay Dowladu gacanta ku hayso ayaa waxa uu si bareer ah uga been sheegay xaaladaha Isbaarooyinka,Cida leh iyo weliba goobaha ay yaaliin.

Sidoo kale ayaa Wasiirku waxa uu Been ku difaacay Ciidamada Xooga dalka oo iyagu leh inta badan Isbaarooyinka Daadsan gudaha Gobolka isagoo sidoo kalena hoosta ka xariiqay inayan wax lacag qaadan Ciidamada goobaha ay u yaaliin bar kontoroolada taasi oo iyana ah Been kale.

Hadaba ila dhegaysta Wasiirka oo maalin Soon ah Been u bareeray kuna hor kufay Dadkiisa gaar ahaan inta degta gobolka Shabeelaha hoose oo maanta markale lagu dhibayo Magaca,Dharka iyo Awooda Wasaaradiisa Gaashaandhiga.

WWG

Arimaha ku saabsan inay ciidamada Dowladu ay dhigtaan Isbaaro ma ahan wax Ugub ah oo bilowgii sanadkan ayaa waxay Wadajirradio iyo Daafeet.com idiin soo bandhigeen 21 Isbaaro iyo cida Isbaarooyinkaas lahaa,Ciidamaduna waxay lahaayeen tirada ugu badan. Qofkii doonayana uu kasii aqrisan karo Websidka:-       http://daafeet.com/?p=6508.

Waa kan Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur (SIIDII) oo ka cawanaya Ciidamada Dowlada oo gobolkiisa Isbaarooyin dhigtay

GGSHH

Sidoo kale ayaa gudoomiyayaasha degmooyinka gobolkuna ay dhowrjeer Madaxda Dowlada uga codsadeen in Ciidamada Dowlada laga qaado gobolkooda hadiiba ay Isbaaro inay dhigtaan uun u yimaadeen waa kan iyoGDW….Gudoomiyaha maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose Xaaji Isaaq Caliyow (XAAJI MAAMA)

gdw

Kadib kolkii cabashada Shacabka iyo maamulkuba ay gaartay madaxda sare ee Dowlada ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud si adag ula hadlay saraakiisha ciidamada dowlada ee ka howlgala gobolka Shabeelaha hoose waxa uuna madaxweynuhu ku tirtirsiiyay saraakiisha in haday Isbaaro rabaan ay ka tagaan ciidanka oo sharaftiisa ay meel uga dhicin waa ka madaxweyne Xasan Shiikh.

MIS

Dhanka kale wasiirka wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xasan Guuleed oo isagu la rumaysan yahay inuu gacan ku siiyo beeshiisa Habargidir inay Isbaaro dhigato gobolka ayaa mar uu lahadlayay Baarlamaanka u sheegay in waxa Isbaarada dhigto ay yihiin Ciidamada Qaranka ee Wasiir Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi hoos taga.
Waakan wasiirka wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xasan Guuleed –

wag

Si kasta oo loo dhigaba waxaan muran ka jirin in gobolka Shabeelaha hoose ay dhex daadsan yihiin Isbaarooyin aan tira lahay oo intooda badanina ay u yaalaan waxa loogu yeero Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo u badan Mooryaan beeleed dharka Tuutaha loogu labisay iyo Saraakiishii ka hartay dagaal oogayaashii beesha Habargidir.
Waa kan Gudoomiyaha Deegaanka No-50 Cabdulaahi Cali Axmed Waafoow ee hoostagta degmada Afgooye gobolka Shabeelaha hoose ha inoo sharaxo Isbaarooyinka daadsan wadada isku xirta Muqdisho ilaa marka.

GN50

Sidoo kale Afhayeenka Gudiga nabadraadinta beesha Biyomaalna ayaa isna Isweydiinaaya waxa Wasiir Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi uga hadli waayay Isbaarooyinka dhex ceegaaga gobolka meelkasta oo ka mid ah Ila dhegaysta.

afdr

Dayacaada,Been abuurka iyo weliba difaaca gardarada uu Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi uu u kasay dadka degan gobolka Shabeelaha hoose waxay noqon doontaa mid taariikhda u gasha Shacabkuna kolkay maamulkoodu helaan ka abaal marin doona Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi sidii Beenaalayaasha isaga oo kaleba horay looga abaal mariyay godobtii ay shacabku ka galeen.

 

W/D Abdiaziz ShSalah.

 

Daafeet.Com

6 COMMENTS

  1. Mushaharkiis lacayaar waaye, dadkiisa inuu waxtaro waxuu kadoorbiday inuu jagadiisa ilaalsado uff baa lagudhahay

  2. Faqi markii horeba walaalaha galgaduud aa meesha geesteen dantooda aas fulinooyaa. seey ku dhacayday 22 sano in Dabare lee Digil wasiir u noqdo?.

  3. war fiqi asagaaba mar dhow la cunaa maxaa karabtaa siyaasi ma a,ahan si toos ayuu dadka gobalka xaqa uleh oo dega uga soo hor jeestay wuxuu diidaa i nuu virginia kusoo laabto oo warshadii uu ka shaqeen jiray oo dharka rinjiga marin jiraray kusoo laabto waan ka xunahay noocaan oo kale aya naga buuxa xaqa allaah maalin tuso soona hanuuniyo dadka uu garab istaagi lahaa ayuu ka been sheegayaa

  4. mahadsanidiin webka daafeed iyo maamulkeda ,d adalkina ha socdo koleyw aa loo jeda wax jira , lakin mahin saan ay dad badan rabaan xalku waa in leyska dhiciyaa ama laga aamusaa halana gumeysto, kismayo warkedaa waa haray waad u jeedaan , manta webyada warkoda iyo war bahinta kaleba kismayo wa laga aamsuay ,

    waxa ay ku guuleysteen
    1- dagaal cad ay la galen dadka kasoo horjeeda
    2- iclaamka oo aad u adegsaden
    3 xiriirka ay behsa calamka iyo dariska ay la sameysteen

    marka waxa jriaa wa isku mid dadkaan hada kala fur fur ba ku socda, wana arkeyna natijada

Comments are closed.