Wafdigii wadahadalada la lahaa Sheekh Xasan Daahir oo sheegey inuu ogolaadey inuu tago Muqdisho

0
21

Xasan-DaahirSheekh Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu xildhibaannadii iyo waxgaradkii dhawaan gaaray degmada Cadaado uu u raaco Muqdisho, kaddib wadahadallo maalmo qaatay oo ku dhexmaray degmadaas.

Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa xubnihii dhawaan gaaray Cadaado ayaa sheegay in wadahadallo dheer kaddib ay isku afgarteen Sheekh Xasan Daahir inuu u raaco Muqdisho, ayna maanta filayaan inay kasoo duulaan degmada Cadaado.

Mas’uuliyiinta kale ee ka mid ah wafdiga Cadaado ku sugan ayaa iyaguna u sheegay warbaahinta in Sheekh Xasan iyo iyagu ay isku afgarteen inuu u soo raaco magaalada Muqdisho, balse ma sheegin go’aannada ay isla gaareen.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in joogitaanka Sheekh Xasan Daahir ee degmada Cadaado ay la socdaan ayna soo dhaweynayaan cid walba oo doonaysa inay dib u heshiisiinta ka qaybqaadato kana soo baxda falalka colaadaha ku dhisan.
Daafeet.Com