Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Al-Jazeera ayaa sheegay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan aysan ahayn mid fudud, balse caalamka ay kala dhexeyso wadashaqeyn dhab ah.
Siilaanyo ayaa wareysigiisa ku sheegay in Somaliland aysan dib ula midoobi doonin Soomaaliya, balse ay sii wadi doonaan wadahadallada kala dhexeeya dowladda Soomaaliya si ay wadashaqeyni u dhexmarto.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in aqoonsi ay heli doonaan, isagoo sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland ay muddo dheer kala ahaayeen laba dal oo ay kala gumeysan jireen Talyaaniga iyo Ingiriiska ayna filayaan in sida Jabuuti oo ay gumeysan jirtay Faransiiska loo ogolaado Somaliland inay noqoto dowlad madax-bannaan.
Su’aal ahayd in markii uu booqday Mareykanka uu kasoo helay ballan-qaad ah in Somalliland la aqoonsan doono iyo in kale ayuu yiri: “Maya, laakiinse waxay noo sheegeen inay lana shaqeynayaan oo ay na caawinayaan.”
Ugu dambeyn, mar la weydiiyay sida uu u arko fikirka madaxweynaha Soomaaliya oo ah in Soomaaliya ay mid ahaato, ayuu kaga jawaabay in iyagu ay qabaan in Soomaaliya iyo Somaliland ay yihiin laba dal oo jaar ah, marna aysan ogoleyn inay la midoobaan, balse ay doonayaan inay si wadajir ah ay u shaqeeyaan.
Daafeet.Com