Wararkii ugu danbeeyey xaalka kismaayo , iyo fooshii oo u muuqata mid soo dhawaatay

3
38

6_APR_2013 copyXog rasmi ah oo ay daafeet news heleen ayaa sheegaya in Maalmahaan uu khilaaf xoogan sookala dhex galay labadii Wafdi ee Dowlada Federaalku usoo dirtey Kismaayo, kuwasoo kala ahaa Wafdigii ka koobnaa Xildhibaanada iyo kuwii ka koobnaa Sadexda Wasiir.

Sida aan xogta ku helney khilaafka oo markii hore u dhexeeyay labada Wafdi ee Kismaayo ku sugan ayaa iminka u gudbey Muqdisho ka dib markii Madaxweyne Xasan Shiekh uu amar ku baxshey in la baajiyo diyaarad maanta Muqdisho kasoo dooni lahayd Wafdiga Wasiirada ee Garoonka jooga.

Wafdiga ka kooban Xildhibaanada ee ku sugan gudaha Kismaayo ayaa markii hore ka caroodey Sababta keentey in uu Madaxweynuhu kasoo daba diro Wafdi kale oo ka koobnaa sadexda Wasiir, tasoo keentey in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galo Wasiirada iyo Xildhibaanada Kismaayo ku sugan.

Wafdiga Dowlada Federaalka ee Degan Hotel Cascasey ah ayaa iyagu u arkayay in Dowlada Federaalku ay iyaga usoo wakiilatey suluxeynta Arimaha Kismaayo, Waxayna aad uga xumaadeen Wafdiga Wasiirada ah ee lagasoo daba direy iyadoon lasoo ogaysiin,Waxayna ka warheleen saacado badan ka dib Wafdiga wasiirada ah iney joogaan Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Dhinaca kale Khilaafka ayaa usii gudbey dhinaca Muqdisho ka dib markii Sadexda Wasiir ay Xalay dalbadeen in Diyaarad loosoo diro, lakiin nasiib daro Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si cad u hor istaagay diyaarada iney Muqdisho ka soo duusho.

Warar kale oo waxaa jira iyana sheegaya in Xubnaha ku sugan gudaha Garoonka Diyaaradaha dhexdooda ay kukala Aragti duwan yihiin joogitaankooda Kismaayo, Abaanduulaha Xooga Dalka ayaa si cad u cadeeyey ineysan Kismaayo joogin Ciidan isaga ka amar qaata oo Dowlada Federaalka hoos yimaada tasoo keentey iney ka xumaadaan Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiirka Cadaalada.

Khilaafka soo kala dhex galay Xubnaha Dowlada federaalka ah ayaa keeney in rag uu kamid yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ay xiriir la sameeyaan kooxda axmad madoobe ,  si ay u muujiyaan in howshii ay u imaadeen ay ku jiraan

Inkastoo Warar been ah lagu baahiyey qaar kamid ah saxaafad  Qaarkeed oo sheegey iney Garoonka ay ka baxeen Sadexdii Wasiir, warkaas waa been aan waxba ka jirin, Sadexda Wasiir wali waxay ku xayiran yihiin Garoonka Diyaaradaha, Waxaana Garoonka ku sugan Ciidamada kooxda axmad madoobe 

daafet new  oo la xiriirey Masuuliyiin xog ogaal ah waxay sheegeen in maamulka axmad maodobe  Go’aankeedi cad yahay, waxaa Sadexda Wasiir lagu wargaliyey iney ku noqdaan Muqdisho, meel kale uma dhaqaaqi karaan.

Dhinaca kale Masuuliyiin ka tirasan maamulka raaskaanbooni ayaa maanta tagay Hotel Cascasey oo ay ku sugan yihiin koox xildhibaano ah oo shalay lagu amrey iney Magaalada ka baxaan, Saraakiisha tagtey Hotelka ayaa ujeedkoodu ahaa iney Xildhibaanada u sheegaan in Wakhtigii loo qabtey uu dhamaadey, waxayna Xildhibaanadu Codsadeen in loo kaadiyo tan iyo Beri(Arbacada 29 May) wakhtigaasoo ay filayaan iney Diyaarad uga imaan doonto Muqdisho ayna ka dhoofayaan Kismaayo, waana laga yeeley Codsigaas.

Wasiirada ku sugan Garoonka Diyaaradaha oo Seexda Konteenaro ay Ciidamada Amisom leeyihiin ayaa Wali ku adkeysanaya go’aankoodii ahaa iney sii joogayaan Magaalada, Mar aan waxka waydiiney Sargaal ka tirsan ciidamada iska soo horjeeda ka tirsan  koox u muuqata in ay dhex dhexad ka yihin kana yimid degmada ceelwaaq oo aan aheen koxaha  sida dhabta ah isku haya ayaa waxa uu xaalada Wasiirada iyo wafuuda kaleba nagu  yiri “ in xaalku yahay mid faraha ka sii bixi kara sacad kasta lagana yabo in wafdiga ka baxaan maalinta beri ah  ayna muuqato safarkooda, halka koxda raaskanboonina ay ilaa beri ka war sugayaan malintii ugu danbeysey oo ay uq abteen in ay kaga abxaan magaalada lamae oga gorta ay bixi doonaan

 

 

3 COMMENTS

  1. waa loo jeedaa meesha waxa ka dhacaayo shuftada kurdi soomaaliga soo duuley ee waxaan kula talin lahaa dadka degaanka oo isku duuban sidey u dhan yihiin iney taageeraan oo la saftaan Alshabaab waliba sida ugu dhaqsiyaha badan waayo cadawgaada cadawgiisa waa saaxiibkaa

  2. dadkaan eri camal meel loogu xareste maa siyaasiin ah waxaa ilaahay ugu barineenaa in noftooda allaha usoobad baadiyo xaalidooda katar ayaa kujertaa dadkaani

  3. Subxaanallah layaab badanaa, Wasiiro maxaabiis ah iyo rag kayimi Qabri-Dahara oo raba ineey Kismaayo ka iibsadaan Kenya, Norwey iyo shirkadda Total ee Faransiiska ah! Wallahi waa dulli nimo waxa Kenya ay wado!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Comments are closed.