War culus Gudoomiyaha gobolka shabeelada hoose oo shegay in diyaradii shalay ku burbutay buulo mareer ay maamulkooda adeegsan jireen

8
67

drone_3Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Cabduqaadir Sidii ayaa sheegay in diyaaradii shalay ku soo dhacday goob 4 KMT u jirta degaanka Bulo mareer ay iaygu adegsan jireen xogna ugu keeni jirtay kooxda al shabaab oo deegaankaas gacanta ku haya.

waxa kaloo uu shegay inta aysan soo dhicin diyaarada ay maqlaayeen rasaas culus oo cirka loo ridaayey Wax yar kahor soo dhicidii droneka , sidaa daraaded ay tuhmayan in shabaabku la heleen qoriga suuga oo ay ku hurgufaayeen Suu hadalka u dhigay gudoomiayha, lamase xaqiijin karo uu ku xijiyey dhab ahaan shaha in ay la heleen xabad

maalintii shalay ayey aheed markii ay soo dhacday diyaardan ,iyadoo aan la socono in deeganka buulo mareer meel u dhow lagu begsaday xubin muhiim ah oo ka tirsanaa Urur weynaha AlQAIDA Somalia iyo dhacdadii fashilantay eeey cidanka Fransiiska kuq aaden buulo mareer oo ay ku soo fruan lahaayeen sarkaal laga heystay

warkaan ka soo yeray gudoomiayaha gobolka shabeelada hoose ayaa ku soo begmaya xilli ay shabaabku sheegteen in ay iyagu soo rideen diyardan ayna ka helaan siro badan iaygoo soo bandhigay bur burka diyarada.

 

 

Daafeet.Com

 

8 COMMENTS

  1. Wallahi waa layaab arrintaan uu sameeyey Gudoomiyihii hore ee Gobalka Sh/hoose, bal akhriso hadalkaan kasoo yeeray Dowladda Mareykanka
    Maraykanka oo xaqiijiyey in mid ka mid ah dayuuradihiisa Drones-ka ay ku burburtay koonfurta Somalia

    Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in mid ka mid ah dayuuradaheeda wax basaasa ee duuliye la’aanta ah ay ku burburtay maalintii shalay degaano ku yaala koonfurta Somalia.

    Saraakiil ka tirsan waaxda difaaca Maraykanka oo magacooda ka gaabsaday ayaa u xaqiijiyey wakaalada wararka ee AFP in dayuurad nooceedu yahay RBA oo kuwa wax basaasa ah ay ku dhacday degaano u dhexeeya Marka iyo Baraawe.

    “Weli ma heyno sababta keentay in dayuuradaas ay dhacdo hase ahaatee waxaan wadnaa baaritaano arintaas ku saabsan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Pentagonka Maraykanka oo cadeeyey inuusan kala sheegi karin iney iskeed u burburtay dayuuradaas iyo in la soo riday.

    Shalay barqadii ayey aheyd markii dayuurad yar oo aan duuliye laheyn ay ku soo dhacday degaan ku yaala duleedka degmada Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose, waxaana burburka dayuuradaas gacanta ku dhigay Al-Shabaab oo degaankaas ka taliya.

    Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Xarakada Al-Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay xalay in baaritaan ay dayuuradaas ku sameeyeen ka dib ay ogaadeen iney aheyd nooc duqeymaha qarsoon iyo basaasnimo labadaba loo adeegsado ayna ku xirnaayeen gantaalo qarxay markii ay soo dhacday iyo kaamirooyin.

    Bogga Xarakada Al-Shabaab ay ku leedahay Twitterka ayaa la soo dhigay sawiro muujinaya burburka dayuuradaas iyo haraaga qaar ka mid ah qalabkii ay ka sameysneyd.

    Dayuurado badan oo nooca Drones-ka ah ayaa horey ugu soo dhacay degaano ku yaala koonfurta iyo bartamaha Somalia oo ay ku jirto magaalada Muqdisho, waxaana inta badan dayuuradahan laga howlgeliyaa degaanada ay joogaan Al-shabaab.

  2. bahda Website kaan dan kama laha miyaa Akhristayaashooda, fadlan kan warkiiisa naga daaya! Billaahi caleykum

  3. Maraykanka oo xaqiijiyey in mid ka mid ah dayuuradihiisa Drones-ka ay ku burburtay koonfurta Somalia

    Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in mid ka mid ah dayuuradaheeda wax basaasa ee duuliye la’aanta ah ay ku burburtay maalintii shalay degaano ku yaala koonfurta Somalia.

    Saraakiil ka tirsan waaxda difaaca Maraykanka oo magacooda ka gaabsaday ayaa u xaqiijiyey wakaalada wararka ee AFP in dayuurad nooceedu yahay RBA oo kuwa wax basaasa ah ay ku dhacday degaano u dhexeeya Marka iyo Baraawe.

    “Weli ma heyno sababta keentay in dayuuradaas ay dhacdo hase ahaatee waxaan wadnaa baaritaano arintaas ku saabsan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Pentagonka Maraykanka oo cadeeyey inuusan kala sheegi karin iney iskeed u burburtay dayuuradaas iyo in la soo riday.

    Shalay barqadii ayey aheyd markii dayuurad yar oo aan duuliye laheyn ay ku soo dhacday degaan ku yaala duleedka degmada Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose, waxaana burburka dayuuradaas gacanta ku dhigay Al-Shabaab oo degaankaas ka taliya.

    Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Xarakada Al-Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay xalay in baaritaan ay dayuuradaas ku sameeyeen ka dib ay ogaadeen iney aheyd nooc duqeymaha qarsoon iyo basaasnimo labadaba loo adeegsado ayna ku xirnaayeen gantaalo qarxay markii ay soo dhacday iyo kaamirooyin.

    Bogga Xarakada Al-Shabaab ay ku leedahay Twitterka ayaa la soo dhigay sawiro muujinaya burburka dayuuradaas iyo haraaga qaar ka mid ah qalabkii ay ka sameysneyd.

    Dayuurado badan oo nooca Drones-ka ah ayaa horey ugu soo dhacay degaano ku yaala koonfurta iyo bartamaha Somalia oo ay ku jirto magaalada Muqdisho, waxaana inta badan dayuuradahan laga howlgeliyaa degaanada ay joogaan Al-shabaab.

  4. saaxiib siidii tartiibkaada siyaasiyiinta soomaalida dhan aya isku dhax yaacsan kaligaa ma,ahan aniga waaba uxiisaa warkaagan yaabka yaabkisa eh

Comments are closed.