Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Isgoyska KM-4 ee Magalada Muqdisho

0
244

qaraxQarax ismiidaamin ah oo ey soo maleegeen Alshabab ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Isgoyska KM-4 Qaraxaas oo ey ku dhinteen ugu yaraan 13 -qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa fuliyay, askari ka tirsan ciidamada nabadsugidda Qaranka, haweeney iyo cunug yar oo ay wadatay, sidoo kale 25-qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

Weerarkan ayaa lala beegsaday gaadiid ay saarnaayeen samafalayaal dalka Qatar u dhashay iyo ciidammo ka tisran dowladda oo waday, waxaana mid ka mid ah gaadiidka la beegsaday lahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed.

Ma jiraan khasaare kasoo gaaray weerarka samafalayaashii u dhashay dalka Qatar, kuwaasoo saarnaa gaari ka mid ah kuwa qaraxu qabsaday, waxaana ay gaariga ka dageen iyagoo bad-qaba.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel 100-tallaabo u jirta safaaradda dalka Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaana weerarka sheegatay kooxda Al-shabaab oo warbixin ay soo saareen ku sheegay inay beegsanayeen wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Daafeet.Com