Reysulwasaraha oo maanta Hambalyo u direy Shaqaalaha Somaliyeed

0
26

abdi shirdomRaysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Maalinta 1-da May ee Shaqaalaha Adduunka u diray shaqaalaha Soomaaliyeed.

Shaqadu waa nolosha iyo sumcadda qofka, waa furaha horumarka bini’aadamka. Bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayay uga horreysaa, taas waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan. Haddii aaney shaqo jirin horumar iyo mustaqbal ma jiri karo.

Soomaaliyada cusub waxay u baahan tahay xoog iyo xirfad shaqo oo dabooli karta baahida shaqaale ee sii kordhaysa.

Waxaana ummadda Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay kordhiyaan aqoontooda iyo xirfaddooda si ay ugu sahlanaato inay helaan shaqooyinka ka abuurmaya dalka gudihiisa.

Raysul wasaaraha ayaa xusay in uusan shaki uga jirin in dalku galayo marxalad cusub oo xambaarsan koboc dhaqaale iyo horumar.

Daafeet.Com