Hogaamiyaha Mamulka Raskambooni oo sheegey in uusan jirin qilaaf u dhexeya Raskambooni iyo Dowlada Federalka

0
27

axmed madobeHoggaamiyaha KMG ah ee maamulka magaalada Kismaayo Sheekh Axmed Maxamd Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in aanu jirin khilaaf ka dhexeeya maamulka Kismaayo iyo dowladda federaal-ka ah ee Soomaaliya.

Sheekh Axmed Madoobe waxa uu sheegay in mad-madowgii ka dhex jiray labada dhinac uu dhammaaday, xiriirka ka dhexeeya maamulka KMG ah iyo dowladda federaal-kana uu yahay mid wanaagsan.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa warbaahinta gudaha ku eedeeyay inay buun-buuniyeen warar aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna xusay in warbaahinta looga baahan yahay inay ka shaqayso nabadda.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka Hogaamiyaha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili uu kasoo laabtey dalka aan deriska nahay taasoo dadka qaarkii ey ku fasiran karaan in halkaa ey kusoo hishiiyeen Axmed Madoobe iyo Dowlada.

Daafeet.Com