Wafdi ka Socday Urur Goboleedka IGAD oo Gaaray Magaalada Kismaayo

0
41

Wafdi ka socday urur goboleedka IGAD ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaas oo uu kulan kula qaatay maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga amniga Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas ayaa u sheegay warbaahinta in kulanka wafdiga iyo maamulka uu ku saabsanaa sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ammaanka ee magaalada Kismaayo.

Yaasiin ayaa tilmaamay in sidoo kale kulanka la iskula soo qaaday kulanka sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay uga sugantahay gobolada Jubbooyinka, loona qalabeyn lahaa ciidamada huwanta ah.

Waxayna wararka ka imaanaya Kismaayo ay sheegayaan in gebi ahaanba hawada laga saaray isgaarsiintii intii uu wafdigu ku sugnaa magaalada Kismaayo, ciidamo badanna waxaa la geeyay waddooyinka magaaalada si ay u sugaan ammaanka.

Dhinaca kale diyaarad hub iyo saanad ciidan oo kale waday ayaa shalay ka degtay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, taas oo aan la ogeyn inay hubka u waday ciidamada dowladda Soomaaliya amaba ciidamada ururka Raaskambooni iyo inay iska laheyd dowladda Kenya, war cadna illaa iyo hadda kama soo bixin.

Daafeet.com