Rasaas ey fureen ciidamada dalka yemen oo ey ku dhintee seddex ruun

0
197

Ciidanka Yemen ayaa dad Soomaali ah ku dilay Gobal ku yaala Koonfurta dalkaasi kadib markii ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen qaxooti badan oo Soomaaliyeed.

Gaarigaan oo ahaa bas ayaa maraayay gobalka Lahaj waxaana markii uu soo gaaray goob Koontarool ah uu ka joogsan waayay askartii halkaa joogtay taa ayaana keentay in rasaas lagu furo.

Rasaastaas ey fureen ciidamadan ayaa waxaa ku dhintey seddex qof oo Soomaali ah lex kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray, waxaana dhacdadaasi kadib ay ciidanka Yemen ogaadeen in waxa ay dileen ay qaxooti ahaayeen.

Si kastaba arintu ha ahaatee dalka yemen ayaa waxaa uu ka mid yahay meelaha sida weyn loogu gumaado umada soomaaliyeed taasoo 20kii sano ee lasoo dhaafey sida aan ka war heyno u geystay dhibaatooyin badan qaxootiga somalaaiyeed ee ku sugan yeman.

Daafeet.Com