Dagaal qasaare geystey ayaa waxaa uu ka dhacay degaano ka tirsan gobolka bay kaasoo ey isaga hor yimaadeen maleeshiyaadka Alshabab iyo ciidamada dowlada.
Dagaalkan oo qarxay gallinkii dambe ee shalay socdayna illaa xalay fiidkii ayaa qarxay kaddib markii xoogag Al-shabaab ka tirsan ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo halkaas socod ku marayay.
Dagaalkan oo socdey saacdo badan ayaa ilaa iyo hada inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey 10 ruux waxaana ku dhaawacmey in ka badan 8 ruux
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa weli ku sugan deegaankii lagu dagaalamay, halkaasoo ay saakay ka wadaan baaritaannno xiiriir la leh dagaalkii shalay illaa xalay socday ee ka dhacay deegaankaas.
Daafeet.Com