Alshabab oo lagala wareegey fariisimo ey ku lahaayeen gobolka Bakool

0
34

Gudoomiyaha Degmada Xudur ee gobolka Bakool Max’ed Macalim Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duulaan ay saaka ku qaadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka Degmada Xudur ay u suuro gashay in ay kula wareegeen deegaano dhowr ah.

Masuulkani ayaa sheegay in dagaalkii saaka ay Al-shabaab ugu geysteen khasaarooyin lixaad leh, wuxuuna sheegay in dhankooda aysan jirin khasaaro sidaa u weyn oo kasoo gaaray dagaalka.

Dhanka Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku saabsan arintaasi oo kasoo baxay, mana jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya goobaha ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo weliba khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Ciidamada Itooibya ayaa waxa ay howlgallo baaxad leh ka wadaan inta badan gobollada dalka Soomaaliya ee ay ku suganyihin Al-shabaab.

Daafeet.Com