Qarax la aaminsan yahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.
Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa lala damacsanaa ciidamo katirsan dowladda kuwa dowladda oo marayay goobta uu qaraxa ka dhacay, haseyeeshee wax khasaare ah kama soo gaarin, waxaana uu sababay dhimashada hal qof oo rayid ah iyo dhaawaca mid kale.
Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta uu qarax nooca bambaanooyinka gacanta laga tuuro uu ka dhacay xaafadda V-Afmadow ee magaalada Kismaayo, walow aysan jirin cid wax ku noqotay.
Illaa imika lama garanayo cidda ka danbeysa qaraxyadani mana jiraan cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi.
Daafeet.Com