Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Kampala ee dalka Ugandha wuxuu kulamo kula qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka uu la qaatay jaaliyada wuxuu ku qotomay taageero jaaliyada ay umuujinayaan isbedelka dhanka hogaanka ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyo sida ay u arkaan.
Madaxweynaha ayaa jaaliyada wuxuu ujeediyay qudbad ballaaran oo uu kaga hadlaayo arimo dhowr ah oo ku aadan dalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in jaaliyada Soomaalida ee dalka Ugandha looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan dib udhiska dalka Soomaaliya iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka ka socda.
Daafeet.Com