Howlgalo xaley maanta laga sameeyey degmada hodon oo dhalinyaro badan lagu soo qabqabtey

0
164

Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir, G/sare Axmed Xasan Maalin iyo afhayeenka booliiska, Jen. Cabdullahi Xasan Bariise oo si wadajir ah ula hadlay saxaafadda ayaa
sheegay in howgalka oo saakay aroortii hore billlowday ay kusoo qabqabteen 346 qof iyo hub fara badan.

Col. Maalin oo isaguna hadlay ayaa sheegay in hubka lasoo qabtay ay ka mid yihiin 36 bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah oo loo yaqaan F1 iyo bambooyin aanay horay u arag oo dalka ku cusub, isagoo sheegay in howlgalladan ay soconayaan inta ammaanka laga xaqiijinayo.

Guddoomiyaha degmada Hodan, Cabdi Maxamuud Warsame (Dhabareey) oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in howlgalkani uu yahay mid ey soo dhaweynayaan wuxuna codsadey in uu san ahaan howl gal la sameynayo hal maalin ookeliya oo mar walba sidan oo kale loo sameeyo.

Daafeet.Com