Diyaarado maanta duqeeyey degmada baardheere

0
29

Hal qof ayaa ku dhintay, saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaaradaha dalka Kenya u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Diyaaradaha duqeynta sameeyay ayaa waxay bartilmaameedsadeen goobo cayiman waxaana goobahaas ka mid ahaa goob ay ku noolaayeen dad shacab ah, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kale ee ka dhashay duqeyntan, marka laga reebo midka soo gaaray dadka shacabka ah.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa saxaafadda u sheegay in dhowr jeer ay diyaaraduhu gantaalo la dhaceen dibadda magaalada, iyadoo xoogagga Al-shabaab ay rasaasta lidka diyaaradaha ku rideen diyaaradahaas.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta ay maanta diyaaradaha Kenya u geysteen degmada Baardheere oo ka mid ah labada degmo ee ay gobolka Gedo kaga sugan yihiin iyo weliba khasaaraha kasoo gaartay.

 

Daafeet.Com