Xasan Shiikh Maxamuud oo ku guuleystey xilka maddaxweynenimada somaliya

0
52

Waxaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay madaxweynenimada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynenimada Soomaaiya uga adkaaday Madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka September 2012, Soomaaliya waxay leedahay Dowlad iyo madaxweyne lagu soo doortay gudaha Soomaaliya, kaasi oo ay soo doorteen mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib doorasho waqti dheer socotay.

Markii ay codbixinta soo gebagebowday ayaa waxaa natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo ku dhawaaqay natiijada doorashada, wuxuuna guud maray sida doorashada u dhacday.

Wareeggii ugu dambeeyay ayay labada musharrax kala heleen:

Xasan Shiikh Maxamuud 190 cod Shariif Shiikh Axmed 79 cod

Doorashadan ayaa ahayd tii ugu horreysay oo gudaha dalka Soomaaliya ka dhacda, isla markaana lagu soo doorto Madaxweyne Soomaaliyeed, iyadoo horayna gudaha Soomaaliya loogu doortay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana mudanayaasha baarlamaanka.

 

Yasin Abicar

Daafeet.Com