Magaalada muqdisho oo amaankeeda si aad ah loo adkeeyey

0
81

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxtnimada dalka Soomaaliya islamarkaana dalka u yeelanayo hogaan ayaa ammaanka Magaalada Muqdisho wuxuu yahay mid aad loo adkeeyay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si wadajir ah isaga kaashanaya ammanka xarunta Iskuul Buluuziyo iyo sidoo kale guud ahaan Degmada Xamar jajab oo ay ka dhaceyso Doorashada xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Dhamaan laamaha ammaanka ayaa heegan buuxa la geliyay kuwaasi oo ka cabsi qaba inay dhacdo falal lidi ku ah ammaanka inta lagu guda jiro howlaha dorashada xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Guud ahaan Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yahay mid aad looga feejignaaday waxaana la arkaya ciidamada dowladda oo gaadiidka dagaalka wata oo laamiyada Muqdisho dhex wareegaya.

Yasin Abicar

Daafeet.Com