Gudoomiyaha baarlamaanka oo shacabka ka codsadey iney ka qeyb qaataan sugida amaanka

0
304

Guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqaataan ilaalinta ammaanka inta lagu jiro doorashada madaxnimo ee dalka, isagoo sheegay in doorashadan ay tahay fursad taariikhi ah oo loo baahan yahay inaan la khasaarin.

Prof. Jawaari oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in baarlamaanka uu yahay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka, balse shacabka looga baahan yahay inay xil iska saaraan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen ilaalinta ammaanka guud ee dalka.

Afhayeenka baarlamanka wuxuu sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay kusoo celin lahaayeen sharaftii ay Soomaaliya ku lahayd dunida, isagoo xusay in meelaha qaarkood laga xishoodo Soomaalinimada, ayna taas meesha ka saari doonaan oo ay ka shaqeynayaan sidii qofka Soomaaliga ah uu ixtiraam dunida uga heli lahaa.

Dhanka kale, Prof. Jawaari wuxuu kula dardaarmay fannaaniinta Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan guubaabinta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadda iyo horumarka dalka, isagoo xusay inay fannaaniintu yihiin kuwo uu saaran yahay xil weyn.

Su’aal ahayd hadal kasoo baxay Puntland oo ahaa in haddii doorashada la musuq-maasuqo ay go’aan qaadan doonto ayuu kaga jawaabay: “Puntland Soomaaliya ayay ka mid tahay, doorashada waxay u dhacaysaa si xaq ah qofkii kusoo baxa ayaana Soomaaliya oo dhan hoggaamin doona.”

Yasin Abicar

Daafeet.Com