Golaha Wasiirada oo kulankoodii ugu danbeeyay maanta yeeshay… ‘DAAWO SAWIRADA”

0
88

Golaha Wasiirada dowlada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu danbeeyay maadaama waqtigooda uu dhamaanayo xiligan oo ay doorasho dhacayso.

Ra’isul Wasaaraha Waqtigiisu dhamaaday Dr Gaas ayaa shir gudoominayay kulankii qamiislaha ahaa ee maanta kaas oo ay isku macsalaameeyeen golaha Wasiirada.

Kulanka markuu soo dhamaaday kadib ayaa waxaa saxaafada lahadlay Wasiirkii Warfaafinta Xukuumada waqtigeeda dhamaaday C/qaadir Xuseen Jahweyn kaas oo sheegay in kulanka uu ahaa kii ugu danbeeyay ee Xukumada.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Xukumada Dr Gaas ay ahayd xukumadii suurta gelisay in dalka ay ka dhacdo doorasho madaxnimo mudo aad udheer kadib.

“Arimaha laga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa in xukumada waqtigeedu dhamaaday, waxaana la iska waraystay wasaarad kasta waxa ay qabatay sidoo kale waxaa laga hadlay amaanka guud ee dalka’ayuu sheegay Jaahweyn.

Golaha Wasiirada oo kulanka udhamaa ayaa isgacan qaaday isna macsalaameeyay iyadoo la isku raacay in laga shaqeeyo danaha dalka inta ay ka dhacayso doorashada.

rag badan oo ku jira Golaha Wasiierada waqtigoodu dhamaaday ayaa kamid ah siyaasiyiintii xildhibaananimada loo soo xushay iyo kuwa kale oo kamid ah musharaxiinta utaagan xilka madaxweynaha.