Kooxo Ku Hubeesnaa Oo Banbaanooyin Ku Weerarar Guri Kuyaal Dagmada Afgooye

0
80

Hal ruux ayaa ku geeriyooday seddax kalana dhaawac ayaa ka soogaaray kidib markii ay kooxo ku hubeesan Banbanooyin ay ku  weerareen  Guri ay Dadkaan kadaganaayeen Dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Goob joogayaal lahadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in kooxo ku hubeesnaa Banbaanooyinka laga gano gacmaha ay ku tureen Guri kuyaal Xaafad lagu magacaabo Damaleey ee Dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kooxihii Gurigaan kuweeraray Banbaanooyinka ayaa waxaa lasheegay in ay kabaxsadeen goobta markii ay falkaan geesteen.

Waxyar kadib goobta waxaa gaaray ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo halkaasi kasameeyay baaritaano wallow aan la ogeen cidda lagu sooqab qabtay baaritaanadaan ay sameeyeen ciidamadaan Dowlada Soomaaliya.

Warar hoose oo la isla dhexmaraayo ayaa waxa ay sheegayaan in     Guriga la weeraray lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya, taasina ay keentay in Kooxo hubaysan ay Bambaanooyin ku weeraraan.

Sidoo kale waxaa lagu soowaramayaa in xaalada ay haatan tahay middagan ilaa iyo iminkana maca cidda sidaa rasmigaa uga danbeesa Banbaanooyinkaani lagu weeraray Gurigaan la sheegay in lagu iibinaayay waxyaabaha maanka dooriya.

Tan iyo markii ay lawareegeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM Dagmada Afgooye ayaa halkaasi waxaa ka dhacaayay mararka qaar weeraro qorsheesan iyo falalka oo lidi ku ah amaanka.