Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galayay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul ka socda, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto Shidaalka ku jira dhulkeedi.
Wasiirka ayaa madasha uga faa’iideystay fursad uu si qoto dheer ugala hadlo mas’uuliyiinta caalamiga ah sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Waxa uu xusay in dadaallada sahaminta Shidaalka ay sii dardargelinayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay iskaashi la leedahay Dowlada Turkiga iyo saaxiibbada kale Caalamka si loo xoojiyo wax soo saarka dalka iyo Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiir Daahir Shire ayaa carabka ku dhuftay sidoo kale inay jiraan mashaariic kale oo ay iska kaashanayaan Maraykanka iyo wadamo kale oo dhanka tamarta ah oo laga fulinayo Soomaaliya.
Shirkaan arrimaha Kheyraadka dabiiciga looga hadlaayay ee ka dhacay Istanbul ayaa sanadkaan halkudhig waxaa uu ahaa Doorka Isbeddelka Tamarta Macdanta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan Macdanta iyada oo lagu saleynayo baahida dunida ee tamarta nadiif ka ah iyo macdanta waarta.