Wasiir Faqi oo ka hadley sababta dowlada federaalka dalkeeda uga macnuucdey pasporka Taiwan

0
18

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku mamnuucday baasaboorka Taiwan.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in go’aanka lagu mamnuucay Baasaboorka Tiawan uu salka ku hayo qorshe ay wateen masuuliyiin sare oo ka socda Taiwan oo doonayay iney tagaan Somaliland, iyagoo aan wax ogolaansho ka haysan dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

“Taiwan waxay qorsheyneysay iney booqato Somaliland iyadoo aan lala tashan dowladda Soomaaliya, taasi waa mid si cad lidi ugu ah maxbanaanida iyo midnimada dalka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi oo horay u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in wafdiga Taiwan ee qorsheynaayay iney booqasho ku tagaan Somaliland uu hormuud u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, isagoona ku eedeyay Taiwan iney Soomaaliya ku faafineyso fikrado lagu kala qeybinaayo midnimada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here