Maleeshiyaadka tirsan alshabaab oo soo buux dhaafiyey tuulooyinka ku dhow magalada baydhaba

0
45

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay agagaarka badiyaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar kamid ah beeraleeyda miyiga.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Dadka ku nool tuulooyin ay ka mid yihiin Gasarta, Dambalka, iyo deegaano ku dhow Baay-Burjeet ay soo sheegayaan in kooxda ay digniin u dirtay beeraleyda deegaanka, iyagoo lagu amrayo inay ka fogaadaan meelaha qaar.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dableydu ay si cad ugu sheegay beeraleeydaasi inay soo booqan karin ama u shaqa tagi karin beerahooda, taasoo kor u qaadeysa walaaca la xiriira amniga iyo helista ay wajahaan beeraleeyda gobolka Baay.

Tani waxa ay ka dambeeysay markii Maamulka iyo shacabka magaaladaba ay u dabaaldegeen khasaare xoogan oo Al shabaab lagu gaarsiiyay Khamiistii lasoo dhaafay dagaal ka dhacay degaanka Deeynuunay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here