Madaxweyne ku xigeenka maamulka jubaland oo ka hadley ka bixitaanka ciidamada atmis ee somaliya

0
237

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxay walaac weyn ka muujiyeen qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS, iyagoo ku tilmaamay qorshe aan horey looga fiirsan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siinayay idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay, in Alshabaab ay fursad weyn ka helayaan bannaynta saldhigyada ciidamada ATMIS.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay inay khatar amni wajahayaan dadka shacabka ah ee ku tiirsanaa amniga ciidamada ATMIS, isagoo sheegay inay Alshabaab ku dhaqaaqayaan falal aargoosi ah oo ka dhan ah dadkii iyaga kasoo horjeeday.

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay, ciidamada Jubbalad iyo kuwa Dowladda federalka in aysan diyaar u ahayn xilligan in ay la wareegaan saldhigyada ay baneeyaan ciidamada ATMIS. Sidaas oo ay tahay wuxuu tilmaamay inay ku qasban yihiin inay isku dayaan inay maareeyaan amniga Jubbaland.