
Howlgalo ay ciidamada dowlada federaalka somaliya ka fuliyeen gobolka shabelaha hoose ayaa la sheegayaa in halkaasi ay ku dileen madaxii Qaraxyada Al-shabaab gobolka.
Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Jiis ayaa ahaa madaxii u qaabilsanaa qaraxyada Al-shabaab gobolka Shabeellaha Hoose.
Sarkaalkaasi ayaa la sheegay in lagu diley Iska horimaad ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buula-Xaaji oo ka tirsan gobol;ka shabelaha hoose waxaana isla meesha lagu dhaawacay 10 kale oo ilaaladiisa aheyd oo la soctay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada saraakiisha dowladda ee ah in la khaarajiyay sarkaalkoodii ugu sarreeyay dhinaca qaraxyada ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaalyahanno la socday.