Gudoomiye mursal oo 15 xubnood ka joojiyey inay ka qeyb galaan kulamada baarlamaanka

0
92

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan ayaa shaaciyay liiska 15 xildhiban, kuwaas oo laga joojiyay ka qeyb-galka kulamada soo socda ee Baarlamaanka mudada xilheyntooda uu dhamaaday.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha oo la ogeeysiiyay, Madaxa Habdhawrka Golaha Shacabka, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, ha Ciidanka Amniga Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in 5 kulan aysan iman Karin 15 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhbaannadaan ayaa sababaha looga joojiyay ka qeyb-galka 5 kulan ee golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay inay ishor-istaag ku sameeyeen furitaanka kulankii shalay ee Golaha Shacabka kaas oo uu buuq ka dhashay.