
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hor istaagay Guddoonka Baarlamaanka inuu furmo fadhigii shakiga badan maanta dhaliyey ee la sheegay in looga hadlayo arrimaha cudurka Covid-19.
Xildhibaannada Mucaaradka ayaa ku qamaamay goobta kasoo horjeeda Guddoonka Baarlamaanka ee xeer nidaamiyeyaasha ku howlgalaan, waxaana ay buuq ku abuureen Guddoonka Baarlamaanka oo markii uu soo galay, taasoo in muddo ah la isku hor taagnaa.
Buuq iyo jahawareer kadib ayaa waxaa baaqday oo goobtii isaga tegay Guddoonka Baarlamaanka ee uu hoggaaminayo Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh, waxaana halkaasi ku fashilmay kulankii maanta loo ballansanaa.
Xildhibaannada Mucaaradka ayaa ku eedeeyay guddoonka Baarlamaanka inay wadaan qorshe ay muddo kordhin ugu sameynayaan Maxamed C/llaahi farmaajo.