Wasiirka garsoorka oo sheegay inay la dagaalami doonaan musuqmaasuqa baahsan ee ka jira dalka

0
101

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa shir looga hadlayey cadaalada ka sheegay in ay bilaabayaan qorsho lagula dagaalamayo musuq maasuqa kajira dalka si dadka Soomaaliyeed Cadaalad loogu Shaqeeyo.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Hay’adaha kala duwan ee garsoorka dalka ay ku howlan yihiin ka hortegida musuq maasuqa, isla markaana ay ka go’an tahay inay la dagaalamaan waxkasta oo keeni kara musuq maasuq.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiir Jaamac in haatan uu socdo qorsho lagu dhameystirayo Xubnaha Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa, wixii xilligaas ka dambeeynaya Dowladda dhexdeeda lagala dagaalami doono musuq maasuqa, iyada oo la kaashanayo hanti dhowraha Qaranka iyo Xeer ilaalinta.

Hadalkan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka Xukuumadda Soomalaiya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kusoo beegmaya xili shacabka somaaliyeed ay si aad ah uga cabanayaan cadaalad darada iyo musuqmaasuqa baahsan ee ka jira hay’adaha dowlada iyo welliba garsoorka dalka.