Gudiga doorashooyinka ee ka socdey maamulka galmudg oo la xareeyey

0
79

Guddiga doorashada ee Maamulka Galmudug ayaa saaka la xareeyay, iyagoo ku biiray tababarka uga furmay Hotelka Peace ee Magaalada Muqdisho Guddiyada doorasho ee heer dowlad goboleed.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa horay u dalbaday in Guddiga dhinaca galmudug ka socda lag reebo guddiyada la xareeynayo, balse xalay xilli dambe uu amray in la xareeyo, iyada oo ugu dambeyn Maanta uu tababar u furmay guddiyada.

Guddiyada la xareeyay ee tababarka uu u furmay ayaa ka kala socda Maamulada, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo Xukuumadda Soomaaliya ay ku biirisay min saddex Xubnood.

Tallaabada Madaxweyne Qoorqoor ku go’aansaday in la xareeyo guddigii doorashada ayaa meesha ka saareysa dhex dhexaadintii uu ka dhex waday Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweyne Farmaajo oo ku mursansan Guddiyada doorashada ay dowladda Magacaawday.