
Safiirka Britain ee Soomaaliya Amb Ben Fender ayaa sheegay in isbadal dhinacyo badan oo la gaaro mar walba ku xiran tahay sida Soomaalidu uga go’an tahay fulinta heshiisyada bulsho.
Isaga oo ka hadlayay shirkii Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka ayuu sheegay Amb, Ben Fender doorashooyinka Soomaaliya mar walba ay ku soo noqnoqdaan arrimo isku mid ah oo labo dhinac ka kala imanaanaya.
Wuxuu ku baaqay in ay muhiim tahay heshiis isku mid ah oo laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isaga oo kula dardaarmay in mar walba la ixtiraamo shuurcada dalka u yaala.
Beesha caalamka ayaa siweyn isha uga haya khilaafka ka taaggan doorashada dalka oo ay ku kala fog yihiin dhinacyada ay quseyso, gaar ahaan dowladda iyo mucaaradka oo hadda dhinac walba uu soo magaacabay guddiyo doorasho.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxa’ed Xusseen Rooble ayaa sheegay in mar walba uu soo dhaweynayo musharixiinta cabashada ka qaba doorashada iyo guddiyada dowladdu u saartay.