
Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan oo khudbad Maanta ka jeediyay Shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ayaa ka hadlay Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka.
Waxaa uu sheegay Amb, James swan inay muhiim tahay in saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya inay hehsiis ka gaaraan arrimaha doorashooyinka oo xilligaan uu muran ka taagan yahay.
Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan waxaa uu carabka ku adkeeyay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay oo cid walba qeyb ka tahay, waxaana uu u soo jeediyay dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inay shir isugu yimaadaan oo lagu xaliyo arrimaha jira.
Amb, James Swan ayaa sii adkeeyay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa in shir ay isugu imaanayaan Muqdisho Madaxda Dowladda & Maamul goboleedyada.