Reysulwasaare Rooble oo ka warbixiyey qorshaha xukumadiisa iyo doorashooyinka

0
102

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta furay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan howllaha hortebinta u leh ee ay ugu horreeyaan Amniga, Nabadda, Dhaqaalaha, Xaqiijinta Doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo dhammeystirka Qorshaha dib u eegista Dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in mudnaanta koowaad siinayaan hirgelinta barnaamijka Xukumadda ee saldhigga u ah qabsoomidda Doorasho waqtigeeda ku dhacda oo waafaqsan heshiiskii Samareeb iyo Muqdisho ee ay horay u gaareen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka loo qorsheeyey ee 30%.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay in horumar laga gaaray dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dayn cafinta, haddana uu meel wanaagsan marayo, inkastoo dhaqaalaha dalka oo nugul ay saameyn ballaaran ku yeesheen caabuqa Karoonaha, ayax burburiyey daligii beeraha iyo duufaanta Gati.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay dib-u-habeynta amniga, dhismaha ciidanka, dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada iyo xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin, dib-u-soo celinta noloshada bulshada ku barakacay colaadaha iyo u diyaarinta ciidanka qaranka sidii ay amniga guud ugala wareegi lahaayeen AMISOM.

Shirkan oo goob-joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Madaxda Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo Khadka Internetka uga qeyb-galay , Duqa Muqdisho iyo Wakiillo ka Socda Beesha Caalamka ayaa si