Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo xukuumada ka codsadey inay ciidamadooda kala baxaan gobolka gedo

0
56

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo hadal ka jeediyay Shirka Madasha Iskashiga ee Soomaaliya & Beesha Caalamka ayaa markale ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay ku wareejiso Maamulka Gobolada Gedo.

Axmed Madoobe oo aad u dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uu ka qaato doorka uu leeyahay Arrimaha doorashooyinka madaama uusan aheyn musharax.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay madaxda dowladda inay qoraal ku cadeeyaan Jubbaland halka ay doorashada ku qabaneyso ama inay la wareegeen Gobolka Gedo, iyaga oo cadeynaya sababta ay tallaabadaas u qaadeen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa xoogeystay khilaafka kala dhaxeeya Madaxda Dowladda, waxaana uu dhowr mar ku cel celiyay in doorasho aan lagu qabaneyn Gobolka Gedo ilaa lagu wareejinayo Maamulka Jubbaland.